Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay ilaa toban kalana way ku dhaawacmeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagula eegtay magaalada Muqdisho kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa wadada KM4 iyo garoonka diyaaradaha Aden Cadde.
Saraakiil ka tirsan dowlada oo ka hadalay qaraxa ayaa sheegay in uusan weerarka geysanin qasaare badan.
Dadkii weerarka ismiidaaminta ahaa ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Ibrahim Macalimu oo ka tirsan laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Ciidamada AMISOM ayaan ka hadlin weeararka lagu qaaday iyo haddii ay jiraan qasaaro kasoo gaaray ismiidaaminta.
xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeararka iyadoona bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qaraxa ay ku dileen labo saraakiil caddan ah iyo sideed askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.
Waa weerarkii ugu horeeyay oo ay dad ku dhintaan oo bisha Ramadan ka dhaca magaalada Muqdisho iyadoona uu weeararkan imaanayo xilli dowlada ay qeexday in ay si weyn u adkeyn doonto amaanka dalka gaar ahaan Muqdisho.
Daawo sawirada qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay.
W/Q” Maxamed Nuur Amiin.
Wardheernews.com
Muqdisho,Soomaaliya.
The post Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho lagula eegtay ciidamada AMISOM appeared first on WardheerNews.