Quantcast
Channel: WardheerNews
Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Baarlamaanka oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub

$
0
0

amsixinMuqdisho, Jan. 21, 2014 (WDN)- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa fadhigoodii maanta cod buuxa ku ogolaaday xubnaha xukuumadda cusub ee Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo qorshaha ay ku hawlgeli doonto ilaa laga gaadhayo sanadka 2016 oo la rajaynayo in ay doorashooyin ka dhacaan waddanka.

Fadhigan baarlamaanka oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare  Cabdiweli Sheekh Axmed iyo qaar ka mid xukuumaddiisa, ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku meelmariyay xubnaha dawladda cusub iyo barnaamijkeeda.

Fadhiga baarlamaanka oo ay soo xaadireen mudanayaal tiradoodu dhantahay  233, ayaa ay xukuumadda codka kalsoonida siiyeen 186 xildhibaan, halka ay ka diideen 46 xildhibaan iyadoo uu hal qofna ka aamusay.

Xukuumadda cuusb oo uu ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ku dhawaaaqay bishan aynu ku jirno 17dii ka dib markii uu ku hawlannaa muddo bil ka badan soo dhisiddeeda, ayaa shacab badani saluugeen xubnaheeda oo lagu dhaliilay in badankooda ay tayadoodu aad u liidato.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo iyagu ka soo horjeedday soo laabashada wasiirro ka mid ahaa xukuumaddii ay kalsoonida kala noqdeen ee ra’iisalwasaare Saacid. ayaa maalmihii aan soo dhaafnay u ololaynayay sidii ay isku hortaagi lahaayeen in xukuumadda cusub uu meelmariyo baarlamaanku.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si aad ah u soo dhaweeyay ansixinta xukuumadda cusun isagoo sheegay in ay hadda lamahuraan tahay in ay xukuumaddu ay bilowdo hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Si kastaba ha ahaatee xukuumaddan oo ay sugayaan hawlo culusi, ayaa dad badani aaminsanyihihiin in ay caqabad ku noqon karto xidhiidhka madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli oo laga dayrinayay maalmihii ugu dambeeyay ee ay ku hawlanaayeen soo dhisidda xukuumaddan.

WardheerNews

The post Baarlamaanka oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub appeared first on WardheerNews.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Trending Articles