Ilaah naxariistii janno ha ka waraabiyee waxaa caawa fiidnimadii xilliga bariga Afrika ku geeriyooday magaalada Jabuuti qoraagii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Aw Jaamac Cumar Ciise.
Marxuum Aw jaamac Cumar Ciise oo muddo dheer ku hawlannaa ururinta iyo qorista taariikhda iyo suugaanta Soomaalida ayaa la sheegay in uu beryahan dambe ku xanuunsanaya magaalada Jabuuti oo uu daganaa intii burburkii dawladda Soomaaliyeed ka dambeysay.
Marxuum Aw Jaamac Cumar Ciise oo wax ku qori jiray luqadaha Soomaaliga iyo Carabiga ayaa intii qoraalka ku hawlannaa soosaaray buuggaag kala geddisan oo isugu jira Taariikh iyo Suugaan.
Marxuumka ayaa da’diisa lagu sheegay ilaa sagaashaneeyo sano.
Haddii aannu nahay bahda wardheerNews waxaan tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinaynaa dhammaan qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay shakhsigaas qiimaha weyni, waxaan isna uga baryaynaa in Eebbe naxariistiisii janno ka waraabiyo. Aamiin.
WardheerNews
The post Aw Jaamac Cumar Ciise oo Geeriyooday appeared first on WardheerNews.