Quantcast
Channel: WardheerNews
Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Danjiraha cusub ee QM Soomaaliya u qaabilsan oo shaqo billaabay

$
0
0

Dajiraha Cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay howsha danjirannimo ee QM Soomaaliya, isagoo badalayna ergeygii hore ee Agustine Mahiga.

Ergayka cusub, ayaa waxa garoonka magaalada muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Md. Cabdullaahi Ciilmooge iyo xubno ka mid ah golaha xukuumadda Soomaaliya.

Danjire Nicholas, ayaa xafiiska reysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kula kulmay raysal wasaraha, kuwaas oo ka arrinsaday arrimaha cusub ee xafiiskan QM ee UNSOM loo soo gaabiyo uu qaban doono.

Md. Saacid, ayaa sheegay in kalsooni weyn ay ku qabaan xafiiskaasi cusub sidoo kalena ay shacabka Soomaaliyeed kalsooni galineyso wada shaqeynta cusub ee QM iyo Soomaaliya.

Nicholas Kay, ayaa sheegay in xafiiskiisa UNSOM uu si hoose ula shaqeyn doono dowladda Soomaali, si markaasi dowladnimadu ay u taabba gasho.

Xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon, ayaa bishii April Nicholas Kay u magacaabay wakiilkiisa u qaabilsanaanaya Soomaaliya, waxana uu xilka maanta kala wareegay danjirihi hore ee QM Agustine Mahiga, kaas oo xafiiska QM ee Siyaasadda Soomaaliya UNPOS joogay tan iyo June 2010-dii.

Maxamed Nuur Amiin

Wardheernews.com

Muqdisho,Soomaaliya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Trending Articles