Hargeysa, Abriil 18, 2015 (WDN)- Guddoomiyihii xarrunta Xuquuqul Insaanka ee Somaliland Md. Guuleed Axmed jaamac, ayaa subaxnimadii maanta xabsiga la dhigay sida lagu sheegay qoraal ay soosaartay xarrunta Xuquuqul insaanka ee Somaliland. Qoraalka oo lagu cambaareeyay xadhiga guddoomiyuhu ma caddayn sababta ka dambeys xadhigiisa inkastoo uu eedda xadhiga dusha ugatuuray guddoomiyaha maxkamdda gobolka Hargeysa oo la sheegay inuu bixiyay amarla lagu xidhay Md. Guuleed Axmed jaamac.
Sidoo kale ma jiro wax wara ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland oo lagaga hadlay dhacdadan.
Iyadoo muddooyinkan dambe ay sii badanyeen eeddaha dhinaca xadgudubyada xuquuqul insaanka ee loo jeediyo xukuumadda Somaliland ee uu madaxda ka yahay Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Guuleed Axmed Jaamac iyo Xarruntiisu waxay ahaayeen kuwo iyagu mar walba ka hadla xadgudubyadaas.
Inkasoo aanay jirin warar rasmi ah oo ka hadlaya sabata xadhiga Guuleed axmed jaamac, ayaa haddana tibaaxaha aan helaynaa ay sheegayaan in xadhigiisa lala xidhiidhinayo isagoo dhawaan ka hadlay xukun qisaas ahaa oo lagu fuliyay toddoba qof oo maxkamadi hore dil ugu xukuntay.
Xukunkan qisaasta ah, ayaa la sheegay in ay dhaleeceeyeen Midawga Yurub iyo hay’adaha xuquuqda dadka u doodda.
WardheerNews
The post Nin u Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha oo Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa appeared first on WardheerNews .