Quantcast
Channel: WardheerNews
Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Weerrar Ismiidaamin ah oo Lagu Qaaday Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare

$
0
0

Muqdisho, Abril 14, 2015 (WDN)- Ciiddanka Dowladda Soomaaliya, ayaa la wareegan gacan ku haynta Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumada Federaalka oo saacada ka hor ay guddha u galeen dabley la sheegay in ay ka tirsanaayeen urrurka xagjirka ah ee Al Shabaabd.

Wararka ilaa hadda lag helayo dhacdadan ayaa sheegaya in goobta lagu dilay maleeshiyaadkii halkaasi weerrarka ku qaaday ee Al Shabaabka, waxaana sidoo kale jira qasaara ka dhashay iska horimaadka muddada kooban u dhaxeeyay labada dhinac.

Weerrarka, ayaa ahaa mid ismiidaamin ah, waxaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana ugu horreyn weerrar lagu qaaday iridka hore ee wasaaradda,  waxaana markaasi ka dib xigay weerrar toos ah oo ay gudaha ugu galeen Shabaab rag ka tirsanaa wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka.

Xaaladda, ayaa hadda ah mid deggan, waxaana la sheegayaa in qasaaraha uu yahay mid aad ugu yar intii loo lameeyay iyadoo dadka dhintay ay ka mid yihiin 4 ruux oo la sheegay in ay weerrarka soo qadeen.

Urrurka Alshbaab, ayaa bilihii ugu dambeeyay kordhiyay weerrarada noocan ah ee ay la beegsanayaan goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho sida Hoteelada iyadoo hay’adaha ammaankuna ay ku fashilmeen ka hortagga weerrada noocan ah ee soo noqnoqonaya.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho

The post Weerrar Ismiidaamin ah oo Lagu Qaaday Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare appeared first on WardheerNews .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Trending Articles