W/Q Cabdalla Xaaji Cusmaan
Bishii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay baan ka mid noqday akhyaartii lagu martiqaaday Toddobaadka dhaqanka Soomaalida ee London (SOMALI WEEK FESTIVAL) ee lagu qabtay magaalada London.
Bandhigga oo ah kii (8) siddeedaad ee la qabto waxa soo qabanqaabiya ururka KAYD SOMALI ART oo ay madax ka tahay gabadha la yidhaa Ayaan Maxamuud Cashuur. Wax yaabihii fagaaraha lagu soo bandhigay waxa ka mid ahaa buuggaag fara badan oo Ingiriis iyo Soomaali ba ku qoran. Habeenkii la soo gabagebeeyey baan nasiib u yeeshay inaan iibsado buugga cinwaankiisu yahay, XABBADDII DUNIDA GILGISHAY oo ay qortay marwada la yidhaa , Shukri Aaden Shire, soona baxay sannadkii aynnu ka soo gudubnay ee 20013kii. Buuggan warkiisu iguma cusbayn oo maalmihii uu soo baxay ba mid ka mida degellada Soomaalida baan ka daalacday, aadna waan ugu xiiso qabay inuu mar’uun gacantayda soo galo kana mid noqdo kaydka buuggaagtayda. Waayo waxaan ka mid ahay dadka daneeya sooyaalka iyo suugaanta Soomaalida.
Bilawga ay ishaadu qabataba buuggani uu ku soo jiidanayaa, oo tayada samayskiisa ayaa ah heersare. Intaan ogahay aad bay u yar yihiin buuggaag Soomaali ku qoran oo sidaa u daabacan. Qoraallo kooban oo ku xardhan buugga korkiisa baa kuu iftiiminaya sooyaalka iyo farriinta uu gudbinayo. Qoraalladaasi waa laba weedhood oo ka kooban Ingiriisi iyo Soomaali oo kala ah.1) Aaden-Low iyo dhacdadii Walwaal. 2) The Walwal Incident. Waa dhacdo layaab leh oo run ah, hasayeeshee Soomaali badani aanay ka war qabin. Waa sooyaalka Aaden Shire oo loo yaqaannay (Aaden-Low) intii uu adduunkan ku noolaa dhib iyo dheef wixii uu soo maray. Waxa kale oo sooyaalka buuggu xambaarsan yahay soo gelaya dhadooyin taariikhi ah oo ku saabsan waddammo kale oo ay ka mid yihiin, Itoobiya iyo Talyaani dagaalkii dhex maray, Faashitadii Talyaaniga, Yuguslaafia waddankii la odhan jirey iyo qaybo badan oo ka mida sooyaalka Soomaalida aan oo hore waxba laga qorin.
Haddaba markaan si wanaagsan u akhriyey buuggan baan ogaaday inuu Aden-Low ahaa qof geesiya oo ku sifoobay tilmaamaha raggannimada ee la isla yaqaan, kuwaas oo kala ah saddex, 1) Iga dhaw ( Iga celi) oo ah nin aan dhankiisa laga soo dhicin oo cadawga kaa celiya, goor walbana dhinaca xaqa ayuu raacaa. 2) Ii dhiib. Waanin deeqsi ah oo gacan furan. 3) Ii dheh. Waa nin goor walba xaqa ku dhawaaqa oo aan ka gabban ama haddii aad goobta ka maqan tahay kuu hadla. Intaa markaan ka soo gudbo, waxaan jecelahay inaan is dul taago dhawrkii sano ee u dambaysay noloshiisa, gaar ahaan markii xabsiga Afgooye loo taxaabay sannadkii 1969kii.
Halkan ka akhri: Gorfeynta Buugga Xabbaddi Dunida Gilgilshay
Cabdalla Xaaji Cusmaan
Email: cabdalla_xaaj@yahoo.fr
The post Gorfeynta Buugga: Xabbadii Dunida Gilgishay appeared first on WardheerNews.