W/Q: Guuleed Axmed Dafac
Buugga xadka riddada maxaa ka run ah ee qoray Siciid A. Ismaaciil wuxuu ka dhex dhaliyay bulshada Soomaaliyed buuq iyo qaylo dheer, sababta oo ah qaar ka mid ah wadaadadda loogu ixtiraamka badan yahay Soomaalida ayaa si adag u canbaareeyey ilaa xad ay gaadheen ay ku tilmaameen buugga mid diinta ka soo horjeeda, qoraaguna inuu ku gefay diinta Islaamka.
Waxaan fursad u helay inaan akhriyo buuggan kadib markii nin aan saaxiib nahay ila soo wadaagay. Balse taas ka hor waxan dhegaystay culimo maagaysa qoraaga buugga. Markaan dhameeyey akhriska buugga, waxaan goostay inaan falayqan kooban ka qoro nuxurka buuggaasi sido.
Sida ka muuqata cinwaanka buugga, qoraagu wuxuu awoodda saaray inuu ka jawaabo waydiinta ah: inuu diinta waafaqsan yahay xadka lagu xukumo qofka ka baxa diinta Islaamka. Hadii aan soo koobana wuxuu ku dooddayaa inaanu jirin xukun ay tahay in ifka la saaro qofka diinta ka baxa balse Eebe aakhiro ku xisaabinayo. Dooddiisa wuxuu ku salaynayaa aayado Quraan ah iyo culimo Muslimiin ah oo la aragti ah qoraaga.
Taas ka sokow qoraagu wuxuu si qoto dheer u iftiimanayaa dood ay yar tahay in lagu arko dadka Soomaalida ah dhexdooda. Caadiyan Soomaalida waxa u caado ah in waxa wadaadku yidhaahdo sidiisa loo qaato gar iyo gar darroba. La isma waydiiyo in wadaadku waxa uu gudbinayaa tahay diintii Islaamka iyo inay tahay sida uu u fahmay diinta Islaamka. Sidaas darteed, buuggu wuxuu si xirfadaysan u carinayaa qofka Soomaaliga ah si uu u baraarugo, oo uu awood ugu yeesho inuu kala saaro aragtida wadaadka iyo diinta.
Qoraagu wuxuu adeegsaday tixraac badan oo aayado quraan ah, axaadiis iyo kutub isugu jira. Waxa aan shaki ku jirin in qof kasta oo ka aragti duwan ama u arka waxa uu qoray inuu diinta ka soo horjeedo inuu qalin iyo buug qaato oo uu ku beeniyo buug leeg ama la mug ah ka uu qoray Siciid, islamarkaaana leh tixraaca ku xardhan buuggan. Intii aan akhriyayey buug Soomaali qoray waa buuga ugu tixraaca badan ee aan arkay. Sidaas darteed, qudbad la jeediyaa ma burin karto afkaarta iyo dooda buuggan ku jirta.
Inkasta oo aanan ku doodayn inaan raacsanahay ama durayo nuxurka qoraaga, hadana waxa ii cadaatay markaan akhriyay buugga, in waxa ku qorani aanay ahayn wax cusub ama wax uu jeebkiisa kala soo baxay, balse inay tahay dood hore uga dhex taagnayd bulshada Islaamka. Markaas in isaga la dulsaaro eed gaar ahi waxay u dhigan tahay in ujeedadu tahay in loo diido dadka Soomaalida ah inay akhriyaan buuggaas, waayo? waxa run ah in qofka akhriyaa uu garawsanayo in waxa laga sheegayo buugga iyo waxa ku qorani aanay is-lahayn.
Taas waxa dheer in buuggu uu iftiiminayo in mar walba dadka siyaasadda ku jira ama kuwa danaha gaarka ah lihi inay u adeegsadaan diinta ujeedadooda, si ay ugu beer laxawsadaan bulshada Islaamka ah. Waxa taas cadayn u ah in Al Shabaab iyo ururada la aragtida ahi, ay u adeegsadaan diinta siyaasadohooda qalafsan. Markaas in aanay macquul ahayn inaad qof walba oo ku andacooda inuu diin kuu sheegayo inaad warkiisa raacdid.
Waxaan hubaa in dad badan oo Soomaali ahi ay ka boodeen buuggan iyo qoraaga ba, waxan se idinku boorin lahaa inaad horta akhridaan intaaydaan xukumin. Caqli maaha inaad qofka xukuntid adiga oo aan ogayn dembiga uu galay. Sidoo kale, waa in loo dulqaata aragtiyaha kala duwan iyo in dadku dooddi karaan.
Buuggani wuxu ibo furay dood qiime gaar ah u leh bulshada Soomaalida ah oo aan inteeda badani aqoon u lahayn afka Carabiga. Taasina ay ku keentay inay qaataan wax walba oo wadaadka u fasirayaa u sheego.
Maaha abaalka qoraaga buuggan in lagu xukumo inuu yahay diin laawe, balse waxay ahayd in laga hadal siiyo oo dooddiisa la dhegaysto cidii diidanina durto. Qofka xaqa hayaa maaha inuu ka baqo cidda la dooddaysa. Sidaas darteed, waxa u furan wadaadada inay la dooddaan qoraagan oo anay ka cabsoon oo ay buriyaan wuxuu ku doodday iyaga oo aan hafrayn, waa hadii ay hayaan waxay ku diidan yihiin oo asal leh.
Ugu danbayntii aniga ha igu xukumin inaan ku raacsanahay ama diidanahay qoraaga. Balse waxaan aaminsan in dooddu furan tahay, oo aan dadka lagu adoonsan afkaar gaar ah balse loo ogolaado inay diintooda bartaan oo ay ogaadaan afkaaraha kala duwan ee jira. Ugu danbayntii, anigu wax aqoon ah uma lihi qoraaga shaqsiyan, ismana naqaan.
Guuleed Axmed Dafac
Hargeisa Somaliland
Email:dafac02@hotmail.com
The post Falanqayn : Buugga Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah? appeared first on WardheerNews.