Quantcast
Channel: WardheerNews
Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Ra’iisalwasaare Cabdiweli oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe

$
0
0

Abdiwels

Garoowe, Ra’iisalwasaaraha dawladda federaalak Soomaaliya Md. Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaala madaxda dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee Garoowe.

Ra’iisalwasaaraha iyo waftigiisa, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee garoowe si diirran ugu soo dhaweeyay madaxda Puntland iyo shacabka magaalda garoowe oo uu horkacayay madaxweynaha Puntland Md. Cabdiweli Maxamed Cali.

Ra’iisalwasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Md Cabdiweli Sheekh Axmed iyo waftiga uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inta ay joogaan Puntland in ay wadahadallo la yeeshaan madaxda Puntland iyadoo xidhiidhka labada dhinac uu ahaa mid aad u hooseeya tan iyo intii uu talada dalka Soomaaliya hayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wadahadlladan, ayaa la rajaynayaa in lagu dhammayn doono isafgaranwaaga ka dhex jira dawladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Dawladda Puntland, ayaa iyadu shaki badan ka qabtay maamulka ka arrimiya Villa Soomaaliya in uu daacad ka yahay hirgelinta nidaamka fedraalka Soomaaliya iyadoo khilaafkuna uu cirka isku sii shareeray ka dib markii ay dhawaan dawladda federaalku sheegtay in la samaynayo  maamul goboleed ay ku midoobi  doonaan labada gobol ee Galgaduud iyo Mudug oo qaybo ka mid ahi ay hadda ka tirsanyihiin maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee booqashada ra’iisalwasaarraha, ayaa la rajaynayaa in ay noqoto mid mirodhasha, isla markaana lagu soo afjaro khilaafka labada dhinac ee muddada dheer soo jiitamayay.

WardheerNews

The post Ra’iisalwasaare Cabdiweli oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe appeared first on WardheerNews.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Trending Articles