W/Q: Saciid Cabdi Ismaaciil
Sida ay ka warhayso bulshada Soomaaliyeed badankeedu, galabnimadii Jimcada ee taariikhdu ahayd 19kii Sibteembar 2014, wadaadka Soomaaliyeed ee Sh. Maxamed Cabdi Umal, wuxuu xertiisa ku guubaabiyey in ay gubaan buug yar oo cinwaankiisu yahay: “Xadka Riddada: Maxaa ka Run ah?“, isagoo buugga iyo qoraagiisaba ku eedeeyey in ay faafinayaan gaalnimo cad. Arrinkaas oo khasab ka dhigaya in buugga iyo qoraagaba la gubo si aysan jeermiskooda bulshada ugu faafin.
Qoraalku waa udub-dhexaadka ilbaxnimada aadamiga, waana astaanta lagu garto fekerka iyo xusuustiisa bulshada. Ummadaha adduunkuna siday u kala akhris iyo maktabado badan yihiin bay u kala aqoon iyo ilbaxnimo badan yihiin. Cid kasta oo akhriska iyo qoraalka la dirirtaana waa cid dagaal kula jirta garaadka bulshada iyo horumarkeeda.
Dhaqanka buug gubidduna waa dhaqan soo jireen ah oo muddo dheer dunida laga yaqiin, wuxuuna yimaadaa mar walba oo ay jirto cid rumaysan in aragtideeda oo keli ah ay tahay midda runta ah, isla markaana ay ciddaasi isbidayso inay kuwa kale ka tun-weyn tahay, oo ay muquunin karto. Ujeeddada mar walba laga leeyahay gubidda qoraalladuna waxay tahay in lagu tirtiro fikradaha loo arko soo galootiga, ee ku cusub caqliga bulshada. Run ahaantiina, la yaab ma leh in bulshadu baasaysato fikradaha cusub, waayo caqliga aadamigu mar walba wuxuu la qabsadaa fikradaha hadba tii ku soo horaysa, kuwa ku cusubna wuxuu isku dayaa inuu soo tuuro, oo si fudud caqliga dadku doodda ku cusub uma aqbali karo.
Dhammaan kelitalisyadu waxay rumaysan yihiin awoodda erayga qorani uu leeyahay, waxayna ku qanacsan yihiin in shacabka jaahilka ahi uu ka dhego-nugul yahay kan wax akhriya, sidaa darteedna kelitalisyadu dhammaan walxaha aadamigu hindisay waxay ugu neceb yihiin buugta oo ah xusuus waaraysa, waxayna ku taamaan in ay xukumi lahaayeen ummad aan akhris aqoon, waxayna faafiyaan farriin oranaysa: “Aabbeheen Aadan markuu jannada joogey ma aqoon akhriska”.
Kelitalisnimadu kama hanaqaadi karto meel ay ka jiraan maktabado ay yaallaan qoraallo badan iyo afkaar kala duwan oo si madaxbannaan u loolamaysa. Taa awgeedna kelitalisku wuxuu isku hawlaa in la helo hal buug iyo hal nooc oo akhris ah, oo dabcan ah kan ka tarjumaya danta iyo ammaanta kelitaliyaha.
Halkan ka akhri maqaalka :Ruuxii Buug Gubaa Dadna Waa Gubaa
Saciid Cabdi Ismaaciil
Email: sismail42@gmail.com
The post Ruuxii Buug Gubaa, Dadna Waa Gubaa! appeared first on WardheerNews.