Qore:Cabdullaahi Janno
Quraanka Kariimka ah cajaa’ibtiisa waxaa ka mid ah in lagu sifeeyay mid aysan culimadu ka dhergin. Jiil walba arrimo cusub oo waqtigooda ku habboon ayay kala kulmaan. Sidaa la ajligeed, Aayadda 67-aad ee Suuradda al-Ancaam ku jirto [لِّكُلِّ نَبَإٍ مُّسْتَقَرٌّ ۚ وَسَوْفَ تَعْلَمُونَ] waxay qaar culimadu ku fasireen inay tahay in si tartiib tartiib ah waqti walba loo ogaan doono qabar ama war uu Quraanku horey uga sii hadlay. Xilligaan casriga ah ee ay tiknoolijiyaddu horumartay waxaa la ogaaday arrimo badan oo uu Quraanku horey u xusay: dhanka abuurka iyo uur-ku-jirta; dhanka xiddigaha iyo hawada; dhanka diirka iyo kala duwanaanshaha faraha dadka; dhanka sayniska dhulalka iyo buuraha; iyo arrimo badan oo aan weli la ogaanba maadaama uu waqtigoodu dhiman yahay. Quraanku wuxuu oranayaa Ilaah shay ugama uusan tegin Kitaabka—oo wax walbuu kaga hadlay Quraanku (Suuratul Ancaam, Aayadda 38-aad). Bal aynu is dul taagno nooc ka mid ah farshaxanka qoraal iyo sida uu Quraanku u soo bandhigay.
Suuraddii ugu horreysay ee Quraanka la soo dejiyay waxay isku lamaanisay labo arrin oo aan kala harin: qoraalka iyo akhrinta—(“Iqra”; “Qalam”). Cid wax qortana waxay culimadu sheegtay inuu ugu horreeyay Nebi Idriis—calayhi salaam. Haddaba maadaama uu Islaamku ahmiyad weyn siiyay xirfadda qoraalka, bal waxa aynu warqaddaan dhexdeeda ku faaqideynaa qeyb aan aalaaba laga hadlin: xeel-dheerida qoraal ee Suuratul Yuusuf iyadoo la eegayo cilmiga casriga ah ee maanta laga yaqaano qoraalka. Waxaa qoraalka suugaaneed lagu miisaamaa dhowr aaladood oo ay ka mid yihiin: silsiladda ay qisadu ku socoto; dadka jilaya qisada; daadihiyaha qisada; angalka ama jihada laga tebinayo sheekada; goobta iyo xilliga qisada; inta ay la’eg yihiin caqabadaha iyo is-jiijiidka ka dhex aloosan qisada; iyo dulucda qisada.
Hayeeshee inta aynaan qodabadaan u guda-gelin, bal aynu si kooban isu dul taagno taariikhda qoraalka casriga ah, qaasatan sheekada gaaban. Qaabkan cusub ee loo qoro sheekada gaaban kama da’ weyna labo qarni. Hal waddanna looguma abtiriyo—inkastoo lagu doodo in uu dalka Mareykanku qeyb libaax ka ciyaaray hormarinta farshaxanka sheekada gaaban. Adduunku wuxuu aad u yaqaanay buug dhammeystiran oo la qoro (novels). Hayeeshee in sheeko gaaban la qoro waa arrin dib ka timid. Waddamo dhowr ahna hal mar ka wada hana qaadday. Faransiiska waxaa sheekada gaaban hormuud uga ahaa Guy de Maupassant; Ruushka, Anton Chekhov; Mareykankana, Washington Irving. Qofkii ugu horreeyay ee qeexo sheekada gaaban wuxuu ahaa qoraaga Mareykanka ee Edgar Allan Poe. Wuxuuna ku qeexay inay tahay mid is leh, oo is xoojineysa, oo billow illaa dhammaadba aan is diidaneyn—laguna akhrin karo nus saac illaa iyo labo saac inta u dhaxeyso.
Halkan ka akhri qoraalka oodhan:Falanqeyn – Xeeldheerida Suuratul Yuusuf
Email:Claahijanno@gmail.com
The post Falan-qeyn: Xeel-dheerida Qoraal ee Suuratul Yuusuf appeared first on WardheerNews.