Quantcast
Channel: WardheerNews
Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay Istanbul dhiggiisa Turkey, kana qeybgalay Xaflad qalin jabin.

$
0
0

IMG_6392Istanbul,  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa  kula kulmay Magaalada Stanbul dhiggiisa dalka Turkey H.E. Dr. Ahmet Davutoğlu oo ay ka wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya , iskaashiga iyo xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, gobolka bariga Afrika iyo isbadalada ka soconaya bariga dhexe .

Kulankani oo looga hadlay arrimo badan oo xoojinaya danaha wadaagga ah ee labada dal ayaa ku soo idlaaday jawi guul leh .

Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu  xalay kala qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey xaflad qalin jabin ah oo lagu sharfay ka qeybgalkeeda , taasoo shahaado lagu gudoonsiiyay arday dhameysatay kuliyadaha waxbarasho ee Jamaacadda Istanbul .

Xafladaasi oo aheyd mid si heer sare ah loo qaban-qaabiyay , ayaa waxaa kala qeybgalay labada Wasiir Safiirada labada dal u kala matala Muqdisho iyo Ankara iyo diblomaasiyiin kale .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay Istanbul dhiggiisa Turkey, kana qeybgalay Xaflad qalin jabin. appeared first on WardheerNews.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Trending Articles