Quantcast
Channel: WardheerNews
Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Dadaalkii Reer Yurub Ee Far Soomaalida

$
0
0

Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Reer Yurub oo shantii boqol ee sano ee ugu dambeeyay lahaa ilbaxnimo weyni saamayn baaxad leh ayay ku yeesheen idil ahaan bulshooyinka kale. Inagguna haddii aynu soomaali nahay taa ka ma aynnaan badbaadin xumaanteeda iyo wanaaggeedaba. Si aynu haddaba isaga caabbino faragelintooda iyo islaweynidooda waa aynu colaadinnay oo xumaantooda uun eegnay. Halkaa waxaa innagaga qarsoomay wanaagyo badan oo aynu ka helnay. Tusaale ahaan tacliinta cusub, qalabka iyo farsamooyinka horumarsan, dawaynta cudurrada iyo daryeelka caafimaadka, hab- dawladeedka casriga ah, waxaas iyo wax kale oo badan ayaynu ka barannay oo imaatinkooda ka helnay.

Wanaagyadaa waxaa ka mid ah hirgelinta Far Soomaalida, hawshaas oo aynaan iyaga hortood ku guulaysan. Sannadkii 1972 Far Soomaalidii hirgashay wax ay ahayd midho ka dhashay halgan dheer oo soo taxnaa ilaa horraantii qarnigii 19-aad. Ilaa berigaa tobannaan iyo tobannaan buug bay Af Soomaaliga ka qoreen oo ku qoreen. Dadaal weyn oo ay reer Yurub ilaa beriga soo wadeen ayaynu meel dambe ka ga soo dhacnay dabadeed guusheedii sheegannay. Taasi caddaalad ma aha dadnimadana ku ma wanaagsana.

Waxqabadka ay reer Yurub Af Soomaaliga ku darsadeen ku ma eka uun diyaarinta iyo kobcinta fartii la gu qori lahaa, waxaa se kale oo dheer qaamuusyada, taariikhaha iyo sheekooyinka ay Af Soomaaliga ku qoreen oo wax aad u badan ina taraya. Tusaale ahaan erayo aan tiro lahayn oo imika af soomaaliga ka baxay ama ka sii baxaya ayay dadkaasi reebeen oo aynu maanta dib u baran karnaa. Si taa la mid ah wax ay diiwaangeliyeen xusuuso ku saabsan dhacdooyin taariikheed oo ay dad soomaaliyeed ka soo wariyeen, iyo qisooyin bulsheed oo aad u badan. Xitaa waxaa la hayaa codadkii u gu horreeyay ee maqal ah ee Af Soomaali la gu duubay oo ku beegan is la kolkii u gu horreysay ee farsamada duubista codku dunida ka bilaabatay.

Waxaa la joogaa haddaba goortii aynu si xilkasnimo leh u qiri lahayn una taariikhayn lahayn dadaalkaa quruxda badan ee qorista Af Soomaaliga iyo baadhistiisa la la soo maray, ee maamuusi lahayn cid wal oo wax ku darsatay. Halkan wax aynu ku xusaynaa dhawr hawlood oo aad u qaayo badan kuwaas oo ay hubaal tahay in ay kaalin weyn ka soo qaateen korinta iyo diyaarinta Far Soomaalida aynu maanta adeegsanno. Marka aynu u fiirsanno qoraallada ay reer Yurubku Af Soomaaliga ka diyaariyeen wax aynu arkaynnaa koboc joogto ah midba kii uu ka dambeeyay. Wax aynu kale oo ogaanaynaa run ahaantii farta aynu u gu dambayntii qaadannay in ay tahay isu geynta waxqabadyadaa badan. Tusaale ahaan iyagu ma ay adeegsan xarfaha p, v iyo z, ku mana dhiirran xarfahaa in ay u dhigaan codadka Af Soomaaliga ee kuwa Yurub ka duwan. Innaguna sidoodii uun baynu yeelnay iyada oo ay ahayd xarfahaa in la gu buuxiyo meelaha la gu dirqiyay kh, dh iyo sh.

Qoraalka oo dhan halkan ka akhri; Dadaalkii Reer Yurub Ee Far Soomaalida

The post Dadaalkii Reer Yurub Ee Far Soomaalida appeared first on WardheerNews.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 18768

Trending Articles