Qore: Cabdullaahi Janno
Gabadhu waxay hor taagneyd ardayda fasalka. Waa xiisaddii Suugaanta Soomaalida. Buug ayaa u kala furnaa. Qoraal shaqo-guri ahaan loogu diray ayay diyaar la aheyd inay akhriso.
“Macallin cinwaanku waa ‘Dooddii Faraha iyo Gar-naqii Dawacada,’” ayay tiri gabadhu.
Waxay xirneyd jilbaab madow oo isku joog ahaa kaas oo soo saaray midabkeedii dahabiga ahaa. Gabadhu ma dheereyn, mana gaabneyn—hilib la sheegana ma laheyn. Waa lix iyo toban jir dhiganeysay fasalka tobnaad ee dugsiga sare. Intay qoorta hoos u ridatay, oo isha la raacday sadarkii koowaad, ayay dibnaheeda nuuxnuuxisay iyadoo akhrineysa qoraalkeeda.
“Beri ayaa waxaa isku carooday farihii gacanta ku wada yaallay. Oo is colaadiyay. Is xasday. Waxna isku quuri waayay. Mid walbana dulan iyo duris ayuu dood ka dhigtay.
Suulka: “Aniga ayaa ah meesha ay xisaabta iyo wardigu ka kacaan—oo waa aniga hoggaanka faraha. Bal maxaad idinku tihiin masaakiin yahay cayayaanka ah?”
Murugsato: “Suulyahow madaxa buuran goormaad hoggaamiye noqotay? War ma anigaa cid i gaadhaa jirto? Ataxiyaadka iyo tilmaantaba aniga ayaa idiin qaabilsan oo idin hagee meel fadhiista. Ma cid baa igu darajo ah?”
Far-dhexo: “Baqbaq iyo faataadhug! Anigaa idinkugu xoog badan. Udub-dhexaad idiin ah. Awoodda aad ku tiirsan tihiin ah. Oo isku kiin hayo. La’aantay ma jiri laheydeen?”
Faadumo: “I maqla, yaa buuxin karo kaalinteyda? Ma far-yaraa la arki lahaa haddii aysan aniga igu tiirsaneyn? Mise hawsha aan qabto ayaad quursaneysaan?”
Far-yaro: “War aamusa! Dhammaantiinba waxaad meesha ku heysaan faan iyo huuhaa. Ii sheega ciddee si sahlan u sujuudi laheyd haddaanan anigu xigi laheyn calaacasha geeskeeda? Yaa xoqi karo gudaha dhegta oo sideydoo kale u dhuudhuuban? Ma suulka madaxa ballaaran? Mise far-dhexada dhererka badan? Mise faadumo faan-badan?”
Hal mar ayay farihii wada aamuseen. Oo mid walibana diiddanayd iskaashi iyo wadajir. Mid walbana midda kale ayay cadowtinimo uurka ugu heysay.
Far-yaro: “Xaqiiqdu waxay tahay, dhammaanteenba kaalin muhiim ah ayaynu ku wada jirnaa—oo midkeenba midka kale ku tiirsan yahay. Ee ma is xushmeynnaa? Oo ma is aqoonsannaa? Sidii walaalihiina ma is weheshannaa? Wallee is xasad iyo wax isku quuriwaa cidina wax kama dheefto, colna kaama dhiciyaan.”
Waxay farihii durbaba billaabeen inay midiba midda kale eedeyso, cilladeyso, bah-disho, nacladdo, habaarto, fogeyso, jaajuusto, jabkeedana maleegto. Saa maalin ayay waxay farihii ku heshiiyeen inay garta u dhiibtaan dawaco.
Markay Dawacadu dhageysatay dooddii sokeeyihii isdiiddanaa ayay ku qancisay in la kala hoydo, gartana laysugu soo noqdo maalinka xiga. Saa farihii intay aamineen hadalkii Dawacada ayay farxad ku hoydeen. Waxaase Dawacada farxad u aheyd kala tagga farihii cisho aan fogeyn iyagoo isku duuban iyada waranka ku halgaadi jiray—ardaaga reerkana ka yureyn jiray. Saa Dawacadii ayaa mid mid ugu soo guureysay habeennimadii—oo sidii inay la showreyso inta iska dhigtay ayay hadba farihii mid mid gawska ugu hubsatay iyadoo weyraxsan.
Markay dhereg-dhacsatay ayay Dawacadii dhinac dhinac isku tuurtay, tirina: “Doqomihii heshiin waaya, gaws dawacaa u danbeeya.”
Halkaas markay sheekadu mareysay ayay gabadhii ardayadda aheyd madaxa kor uga soo qaadday buuggii ay akhrineysay. Oo isha la raacday fasalkii. Saa macallinkii inta fadhigii ka kacay ayuu gabadhii dhinac istaagay isagoo u sacabo-tumaya, una muusoonayo.
“Mahadsanid, Saxarla,” ayuu yiri, “waad fadhiisan kartaa.” Gabadhii waxay u dhaqaaqday kursigeeda.
“Haye, ardayahey,” ayuu yiri macallinkii oo fasalka la hadlayo. “Afar kooxood u kala baxa. Idinkoo waaqaca maanta eegayana su’aalahaan isla falanqeeya: waa kuwama shanta farood? Dawacadu maxay tahay? Shanta farood middee garta leh? Middee qaladka leh? Dawacada yaa u yeeray? Yaase ka intifaacay?” Saa macallinkii inta eegay saacaddiisa ayuu la soo booday, “Dhaqsada! Dhaqsada! Labaatan daqiiqo ayaad heysataan. Ka dibna koox walba jawaabteeda ayay fasalka la wadaagi doontaa.”
Ardaydii waxay u fadhiisteen koox koox, si hoosena isula faqayeen. Macallinkii inta jeebka gacmaha gashtay ayuu hadba koox dul istaagayay isagoo aamusan.
~Dhammaad~
Qore: Cabdullaahi Janno
claahijanno@gmail.com
Facebook.com/Qalinmaal
The post Dooddii Faraha iyo Gar-naqii Dawacada (Sheeko Gaaban) appeared first on WardheerNews.